Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somalia Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta kormeeray qeybaha kala duwan ee Xarunta Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha ayaa mid mid u booqday xafiisyada waaxyaha kala duwan ee Golaha Shacabka.
Sidoo kale, Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa isla xarunta kulan isugu jiray isbarasho iyo ogaansho xaalada shaqada Golaha kula qaatay howlwadeenada Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku ammaanay howlwadeenada Golaha Shacabka shaqada ay hayaan, isagoo uga mahad celiyay u adeegida qaranka iyagoo waliba duruufo adag kusoo shaqeeyay.
Waxa uu u balan qaaday shaqaalaha in qof walba xuquuqdiisa siduu u heli jiray u heli doono inta uu xafiiska joogo, waxaana Guddoomiyaha sidoo kale uu balan qaaday in Golaha uu yeelan doono xarun caafimaad oo golaha shacabka u gaar ah.
Guddoomiyaha ayaa koormeerkiisa waxaa ku wehlinaayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo xoghaayaha guud ee golaha Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux.
Xafiiska Shabakada Allbanaair.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com