Al Shabaab ayaa shalay galinkii dambe fagaare kuyaala degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud waxa ay ku toogteen nin dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen in uu basaas u ahaa sirdoonka dowlada Soomaaliya.
Maxkamada Al Shabaab ee gobolka Galgaduud ayaa xukun dil ah ku riday Xasan Daahir Mire oo 23-sano jir ahaa, waxaana ninkan Maxkamdu sheegtay in uu basaas u ahaa sirdoonka Soomaaliya .
Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegtay in ninkan la toogtay Maxkamada kahor qirtay in loo xil saaray in xogo ku saabsan Al Shabaab ka keeno gobolada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhaxe lana siin doono lacago aan cadadeeda la shaacin.
Fagaaraha wiilkan dhalinyarada ah lagu tooganayay ayaa waxaa isugu yimid dadweyne badan oo degan Galhareeri iyo sidoo kale xubno katirsan Al Shabaab oo isugu jiray saraakiil iyo shacab.
Al Shabaab ayaa marar badan deegaanada ay ka taliyaan ku toogtay dad ay ku eedeeyeen in ay yihiin basaasiis u shaqeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale dowlado shisheeye.
Â
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com