Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cudurka COVID-19 oo ka sii yaraanaya koonfurta Soomaaliya, & dhinaca Somaliland oo..

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 27 qof oo cusub,  taasoo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 751.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 36 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 29, Gobolka Benaadir 3, iyo Jubbaland 4 ah, taasoo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,775

Bukaannada cusub 30 ka mid ah waa rag, 6-da kalena waa haween. mana jirin wax dhimasho ah, waxayna tirada dhimashadu joogtaa 88 qof sida wasiiradu sheegtay.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo & qodobada lagu eedeeyey

admin

Askar ka tirsan AMISOM oo lagu dilay qarax ka dhacay gobolka Sh/hoose

Caydiid Ali

Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay danjire Donald Yamamoto (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---