Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo mar kale dalka ku soo celisay Muwaadiniin ku xanibnaa dibeda (Sawirro)

Dowlada Somalia ayaa markii labaad u fududeysay iney ku soo laabtaan dalka muwaadiniin Soomaaliyeed oo gudaha dalka Hindiya ku xayirnaa tan iyo markiiĀ  xuduudaha dalkaasi loo xiray xanuunka Covid-19.

Muwadiniin gaaraya 128 qof oo isugu jira Rag iyo Dumar ayay Safaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya dib dalka ugu soo celiyo, iyagoo gaari doona magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe oo markoodii hore ay ka safreen.

Dadkan oo ka mahadceliyay sida DF u garab istaagtay ayaaĀ  waxaa Garoonka dayuuradaha ee magalada Hyderabad ka soo sogootiyay Safiir ku-xigeen ahna la taliyaha Safaaradda Salim Cabdullahi Qalinle iyo diblomaasiyiin kale.

DF ayaaĀ  dhawanahanba ku hawlaneyd sidii mar kale muwaadiniinta SoomaaliyeedĀ  ee ku xaniban dibedaha dib dalka loogu celin lahaa dalka, waxaana illaa hadda dalka lagu soo celiyey ku dhowaad kun qof oo kala joogay dalalka Kenya, Ugandha, Turkiga, Hindiya, Sacuudiga iyo meelo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shan qodob oo la xiriirta xaaladda Suuriya maalin kadib dhicistii xukunka Assad?

Cabdi Cade

Dagaalo culus oo ka socda agagaarka Isbitaalka Al-Shifa & Milateriga Israel oo..

Caydiid Ali

Al Shabaab oo qaraxyo kusoo weerartay Ciidanka Danab ee la wareegay Janaale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---