Allbanaadir.com
NEWS

Mooshin ay saxiixeen Xildhibaano badan oo loo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda kMG ayaa loo gudbiyay xeerka qoondada haweenka ay soo diyaariyeen Guddiga Wadajirka ee dhameystirka xeerarka doorashooyinka.

Mooshin ay saxiixeen in ka badan 130-Xildhibaan ayaa maanta Gudoonka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya loo gudbiyay, waxaana mooshinkan lagu dalbanayay in kuraasta Haweenka ku leeyihiin Baarlamaanka ay ku tartamaan haween oo kaliya.

Xildhibaan Xaniifa Xaabsade oo kamid ah Xildhibaanada mooshinkan wax ka saxiixay ayaa sheegtay in Gudoonka baarlamaanka laga doonayo in mooshinkaasi aqbalo lana galiyo cod si loo helo qoondada Haweenka ku leeyihiin Baarlamaanka soo socda.

Xildhibaanada haweenka ee ku jira Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka wal walsan in ay waayaan kuraastooda %30-ka, waxa ay sidoo kale haweenka ka wal walsan yihiin in kuraasta kula tartamaan rag.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay oo ka dhacay duleedka Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Xagee ku Dambeeyay Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya ee Farmaajo ?

Cabdi Cade

Aqoon is-weydaarsi loo qabtay in ka badan 200 da’yar Soomaali ah Netherlands (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---