Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka caraysiiyay shacabka iyo dowlada Faransiiska ka dib markii uu si jees jees ah u jilay sidii rag hubeysan ay u laayeen 130 qof, weerar ka dhacay magaalada Paris.
Dadka aragtidooda ka dhiibtay hadalka Trump waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Faransiiska Francois Hollande oo Trump ku tilmaamay nin sariig beelay.
Wasaaradda arrimaha dibeda Faransiiska ayaa ku baaqday in la xurmeeyo dadkii la laayay.
Trump ayaa hadalkan ka jeedinayay ururka buntukhleyda qaran ee Maraykanka, wuxuuna sheegay in haddii dadka hubka loo ogolaan lahaa aysan suurtogal ahaateen in dadka intaas la’eg la laayo.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo dhawaan ka laabtay safar uu Maraykanka ku tagay ayaanan si dhaqso leh uga jawaabin hadalka Trump oo ay saaxiibo dhow yihiin.
Xafiiska Shabakada Allbanaair.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com