Waxaa mar kale qoorta isku galay Shirkada Twitterka iyo Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, shirkada ayaana xadgudub weyn ku tilmaantay muuqaal dad badan ka careesiiyay oo Trump soo dhigay bartiisa Twitterka.
Madaxweyne Trump ayaana soo dhigay Twitterkiisa muuqaal ilmo yar oo madoow ah oo ka cararaya ilmo cadaan ah , waxaana muuqaalkaasi si been abuur ah loo saaray astaanta Telefishinka CNN.
Muuqaalkan Madaxweyne Trump soo dhigay Twitterka ayaa qoraal ahaan lagu dul qoray ”Ilma socod barad ah oo ka cararaya ilmo cunsuri ah”, Telefishinka CNN ayaana been abuur ku tilmaamay muuqaalkaasi uu baahiyay Trump.
Shirkada Twitterka ayaan digniin ku aadan muuqaalkan u dirtay Madaxweyne Trump, waxa ayna ku eedeeyeen Madaxweynaha in uu ku xadgudbay xuriyada saxaafada uuna sameeyay xadgudub.
Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay shirkada Twitterka in ay caburineyso xuriyada hadalka, waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Trump shirkada Twitterka eexasho iyo in ay faragalineyso doorashada Mareykanka.
Shirkada Twitterka iyo Madaxweyne Trump ayaa marar badan isku dhacay, waxa ayna shirkada qarisay qoraal uu dhawaan soo digay Twitterka oo la sheegay in uu abuuray jinsi naceyb iyo rabshado.
W/Q Hassan Abdulle Noolow Â
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com