Burcad ayaa dhac ka geesatay saldhig ay leeyihiin ciidamada booliiska dalka Ghana, waxa ayna burcadan saldhigaasi ka qaateen agabyo muhiim ah sida ay ku waramayaan Warbaahinta Caalamka.
Warbaahinta BBC-da ayaa baahisay in burcad aan wali heebtooda la aqoonsan ay u dhaceen xafiisyo ku yaalla saldhigga booliska Nima ee kuyaala bartamaha magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana .
Burcada ayaa la sheegay in saldhiga booliiska ay galeen ka qaateen qalab kala duwan ay ku jireen Koombiyuutar, teleefishin iyo dareeska booliska, waxaana burcadan la sheegay in si nabad galyo ah uga baxsadeen saldhiga.
Saraakiil katirsan booliiska dalka Chana ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan dhaca loo geestay saldhiga booliiska, waxa ayna saraakiisha sheegeen in wali kiiskan aan cidna loo soo xirin.
Dad badan ayey layaab ku noqotay dhaca burcada u geesteen saldhig booliis, waxa ayna dadku isweediinayaan hadiiba dhac loo geesanayo booliiskii wax waardiyeyn lahaa cida shacabka ka ilaalineysa burcada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com