Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad goboleed cusub oo laga abuuray dalka Itoobiya

Qowmiyada Sidaama oo kamid ah Qowmiyahada dega dalka Itoobiya ayaa ku guuleesatay in ay yeeshaan dowlad goboleed u gaar ah, kadib markii afti laga qaaday dadka Qoywmiyaasi sidaasi u codeeyeen.

Go’aankan dowlad goboleedka cusub loogu abuuray qowmiyada Sidaama oo ah tan shanaad ee ugu tirada badan dalka Itoobiya ayaa ka dhalatay dalab qowmiyadaasi ku dooneysay in ay yeelato ismaamul u gaar ah.

Rabshado dad badan ku dhinteen ayaa sanadkii hore ka dhacay gobolka Qowmiyadaasi ku badan tahay, waxa ayna dadkan mudo dheer u dagaalamayeen sidii ay u yeelan lahaayeen ismaamul lamid ah kuwa Qowmiyadaha kale ee Itoobiya.

Qowmiyado badan oo kunool dalka Itoobiya ayaa dalbanaya in ay yeeshaan ismaamul iyaga u gaar ah, waxaana dalkaasi ka jira maamulo ku dhisan qaab qowmiyado ah, iyadoona ay ka dhaxeyso dowlad  dhaxe oo Federaal ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Putin oo go’aan ka gaaray talaabada laga qaadayo Madaxa kooxda Wagner

Caydiid Ali

Wasaarada Caafimaadka Somalia oo shaacisay dad ka bogsaday COVID-19 & kiisas cusub

Caydiid Ali

(Sawirro) Masuul si weyn ula soo shaqeeyey Ex-Raisul Wasaare Khayre oo xilka Wareejiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---