Wasiirka Amniga Gudaha Maamulka Galmudug Amb. Ahmed Moallim Fiqi oo uu wehliyo senator Cabdi Xasan Cawaale ayaa maantay booqday taliska ciidamada Badda ee Booliska Galmudug (Galmudug Maritime Police Unit) oo saldhigoodu yahay magaalada Hobyo.
Wasiirka ayaa warbixin ka dhagaystey taliyaasha ciidanka, asagoo faahfaahiyey baahida loo qabo ciidamada Badda Galmudug iyo muhimadda ay ugu fadhiyaan Galmudugta cusub.
Wasiirka ayaa ballanqaaday in la tayeyn doono ciidamada Badda Galmudug, uuna ka shaqeynayo sidii loo qalabeyn lahaa, xuquuqdooda ciidanimona u heli lahaayeen si ay waajibaadkooda u gutaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com