Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Kursiga Golaha amaanka ee Kenya ku guuleystay

Dowlada Soomaaliya ayaa ka hadashay guushii ay Kenya ka gaartay Jabuuti, kadib markii ay uga adkaatay codeyn loogu loolamayey kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka taasoo ka dhacday xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Qoraal kooban oo uu bartiisa Twitterka soo dhigay Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayuu hambalyo ugu diray Kenya guusha ay ka gaartay codeynta golaha amaanka.

“Waxaan ku kalsoonahay in Kenya ay ka shaqeynayso danaha gobolka Geeska Afrika” ayuu yiri wasiirka oo hadalkiisu ku soo beegmay xili Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhexeeyo muran dhinaca badda oo ay dacwadiisu hortaalo taallo Maxmkamadda caalamiga ah ee ICG.

Dowladda Soomaaliya ay horey u taageereysay Jabuuti oo looga adkaaday tartanka codeyn ah ee ka dhacay xarunta QM magaalada New York, iyadoo ka cabsi qabta in haddii Kenya ay hesho kursigaas ay saameyn ku yeelato dacwada badda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydadka qaar ka mid ah dadkii xalay lagu laayey degaanka Bariire oo Muqdisho la keenay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xasan Cali Kheyre iyo siyaasiyiin kale oo qaadacay Wax ka bedelka Dastuurka KMG

Cabdi Cade

(Sawirro) Degaan todobaadyo lagu dagaalamayey oo ugu dambeyn lagala wareegay Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---