Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dadkii ugu badnaa oo ka bogsaday COVID-19 & Wasiirad Fowsiya oo ka hadashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 39 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 724.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 23 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 19, iyo Gobolka Benaadir 4 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,719.

Bukaannada cusub dhamaan 23 kooda waa rag. 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirn bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 88 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sawir Nairobi looga qaaday Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo hadal heyn dhaliyay !

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo hal arrin oo xasaasi ah u tegay Magaalada Xudur (Sawirro)

Caydiid Ali

Markab Dagaal oo Mareykanka leeyahay oo Madaafiic badan ku riday Dooman Iran leedahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---