Allbanaadir.com
GALMUDUGMUQDISHONEWS

Qoor-qoor oo degmada Hobyo ku soo dhoweeyey wafdi ka socday DF (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Magaalada Hobyo kusoo dhaweeyay wafdi ballaaran oo ka yimid magaalada Muqdisho.

Wafdiga ee hoggaaminayaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Ahmed iyo Gudoomiye kuxigeenka 2aad Baarlamaarka Soomaaliya Mudane Mahad Cawad ayaa iskugu jiray xubno ka socda labada aqal ee baarlamaanka , odoyaasha dhaqanka iyo ganacsato reer Galmudug ah.

Madaxweynaha  Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahanba booqasho ku marayey degaano ka tirsan Galmudug ayaa shalay galab gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Maamulka iyo shacabka degmada ayaa si weyn usoo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa oo halkaas u tagay u kuurgelida degmada iyo dar dar gelinta qorshaha dhismaha dekeda Hobyo oo dhismaheeda ay maalgelineyso dowladda Qatar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Weerar Culus ku qaaday Saldhig ay joogeen Ciidanka Milatariga Somalia

admin

Dagaal Caawa ka dhacay Degmada Afgooye iyo Faah faahino kasoo baxaya

admin

Sargaal katirsan ciidanka booliiska oo Muqdisho lagu dilay iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---