Dagaal muddo kooban socday ayaa saaka ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo degaanka Daynuunay ee gobolka Bay.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii wadada loo galay ciidamo ka tirsan dowlada oo marayay wadada isku xirta Daynuunay iyo Baydhabo, kuwaasoo uu soo gaaray khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Saddex Askari oo dowlada ka tirsan ayaa l,agu dilay weerarkan halka saddex kalena uu dhaawac soo gaaray, kuwaasoo loo qaaday magaalada Baydhabo.
Dableyda ka tirsan Al-shabaab oo weerarkan geysatay ayaa waxaa la sheegayaa in dhankooda uu gaaray dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aysan ka hadlin, waxaana degan xaalada, goobta uu weerarku ka dhacayna waxaa gaaray ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur galbeed Somalia.
Xafiiska Shabakada Allbanaair.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com