Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xasan Xamza Asad.
Safiirka iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo Magaalada Kismaayo u yimid furitaanka Mashaariic Dowlada Qatar ay ka fulisay Jubbaland ayaa waxaa kamid ah Masuuliyiin sidoo kale kasocda Hay’ada gargaarka Dalka Qatar iyo xubno kale.
Axmed Madoobe ayaa Safiirka uga mahad celiyay Adeegyada hormarineed ee Qatar ay ka fulisay Jubbaland iyadoo la isku raacay in la dardar galiyo Mashruucyada dhiman ee mustaqbalka dhow si Jubbalad uga faa’iideesato.
Kulanka dhax maray Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirka dowlada Qadar u fadhiya Soomaaliya ayaa sidoo kale looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka sida doorashada la filayo in ay dhacdo iyo khilaafka Jubbaland kala dhaxeeya dowlada federaalka.
Dowlada Qadar ayaa si weyn u taageerta dowlada federaalka Soomaaliya, waxaana safarka Safiirka ku tagay magaalada Kismaayo kusoo aaday xili Madaxtoyada Soomaaliya dhawaan Axmed Madoobe u aqoonsatay Madaxweynaha KMG ee Jubbaland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com