Ciidamada Nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa howlgal qorsheesan ay fuliyeen waxa ay kusoo qabteen qaraxyo miino oo doon looga gudbinayay Wabi kuyaala inta u dhaxeysa Deegaanada Yoontooy iyo Buulo Gaduud.
War kasoo baxay Nabad sugida Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidamada heleen xog ku aadan qaraxyadan miino ee wabiga laga gudbinayay, waxaana aaga qaraxyada lagu qabtay ka dhacay iska hor imaad dhax maray ciidamada Jubbaland iyo ragii qaraxyada waday.
Ciidamada Jubbaland oo ku guul dareestay in ay qabtaan kooxdii miinooyinka waday ayaa Warbaahinta usoo bandhigEEN labo miino iyo sidoo kale doon yar oo la sheegay in lagu gudbinayay miinooyinkan.
Maamulka Jubbaland ayaa marar badan soo bandhigay qaraxyo miino ay ciidamada fashiliyeen, waxaana inta badan qaraxyada miino inta badan la galiyaan wadooyinka ay isticmaalaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com