Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen xubno lagu eedeeyay Shabaabnimo iyo burcad dadka dhac u geesan jirtay.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Adan Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in booliiska Muqdisho ku qabteen Shabakado Shabaab ah uu sheegay in dilal iyo dhibaatooyin kale ka geesan jireen Muqdisho.
Waxa uu sheegay Afhayeenka xubnahan Al Shabaabka ah ee la qabtay qaarkood in Istuudiyaasha lagu kireeyo filimada ay ku lahaayeen Isgooska Ex-koontarool Afgooye iyo qeybo kamid ah degmada Dharkeenley.
Afhayeenka ayaana sheegay in xubnahaasi qaarkood oo falal dambiyeedyo geesan jiray si ay dadka u qaldaan ay isticmaali jireen maandooriyaal iyo waxyaabo kale oo daraagis ah, waxa uuna cadeeyay in dabagal dheer kadib xubnahaasi lasoo qabtay.
Dhame Sadiiq Adan Cali ayaa sidoo kale sheegay in booliiska kusoo qabteen degmada Dharkeenley nin katirsanaa amniyaadka Al Shabaab uu sheegay in dilal badan ka geestay degmadaasi xiliga la qabanayayna gacanta kula jireen faldambiyeed.
Afhayeenka ayaa ninkan la qabtay oo lagu magacaabo Xasan Cabdullaahi Salaad sheegay in horey uga tirsanaa jabhadaha Al Shabaab ee ka dagaalama Hiiraan balse markii dambe loo soo wareejiyay Muqdisho kana mid noqday kooxda Amniyaadka dilalka fuliya.
Ugu Dambeyn Afhayeenka booliiska ayaa sheegay in ciidamada booliiska degmada Xamar Jajab ku qabteen labo nin burcad hubeesan uu sheegay in dhawaan degmada Dharkeenley ku dileen wiil bajaajle ah kadibna ka dhaceen mootadii uu watay.
Â
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.