Qarax sababay khasaaro isuguĀ jira dhimasho ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Dugsi sare Banaadir oo ku dhaw Ex-Madaxtooyadii hore ee Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa sida aan wararka ku helnay ka dhacay jid cadde aagaasi kuyaala, waxaana qaraxaan lala eegtay gaari nuuciisa lagu sheegay Hilux ciidan la socday oo halkaasi marayay.
Masuul katirsan maamulka Degmada Hodan ayaa noo sheegay in qaraxa uu ka bad baaday gaarigii lala eegtay, waxa uuna intaa ku daray in qaraxa uu haleelay mooto ay la socdeen dad shacab ah oo xiligaasi goobta marayay.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay sadex qof oo shacab ah oo la sheegay in ay kala ahaayeen Wade Mooto bajaaj, haweeney mootada saarneyd iyo cunug ay wadatay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo kale.
Saraakiil iyo ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo qaraxan kasoo saareen saraakiisha ciidanka iyo maamulka degmada Hodan.
Ā
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com