Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Somaliland oo heshiis hordhac ah kala saxiixday (Akhriso Qodobada +Sawirro)

Shirkii wada-hadalada Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee ka socday Waddanka Jabuuti ayaa caawa labadii dhinac ku kala saxeexdeen waxa loo yaqaan Minutes-ka, kaasi oo ah is afgarad hordhac ah oo labada dhinacba isla qaateen.

Sidoo kale waxay sheegeen in laysla qaatay Shan qodob kuwaasi oo loo saaray Saddex guddi hoosaadyad oo ka wada shaqayn doono qodobadaasi, Waxaana ka mida qodabadaa uu Warbaahinta u akhriyey Shirgudoonka Shirka oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jabuuti.

1. Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka si qurux badan oo hadaf xanbaarsan

2. Sidii dib loogu dhisi lahaa Kalsoonidii labada dhinac.

3. Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida Kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani-aadamnimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiridoona muddo shan iyo toban cisho (15) ka dib ah, kuna shiridoona waddanka Jabuuti.

4. Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho ah ku shiridoona waddanka Jabuuti.

5. Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada.

Dhamman Saddexdaa guddi shan iyo toban cisho ka dib waxay ku kulmi doonaan Jabuuti, waxaana lagu magacaabay guddiyadaasi (Technical sub comment) Guddida guud ee farsamado ee wada-hadalada oo lagu magacaabo (Join Ministerial Comment), waxaanay 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan Jabuuti si u qiimeeyaan wax qabadka guddi hoosaadyada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo war cusub ka soo saartay cudurka COVID-19 & dad cusub oo u dhintay

Caydiid Ali

(Xog) Villa Somalia iyo Axmed Madoobe oo isku haya hal arrin oo xasaasi ah

Caydiid Ali

Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada Damul Jadiid oo eedeyn culus loo jeediyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---