Allbanaadir.com
NEWS

Nin adeer u ah Madaxweynaha Suuriya oo Xukun xabsi ah lagu riday iyo Hantidiisa oo…

Maxkamad kutaala magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday nin adeer u ah Madaxweynaha dalka Suuriya Bishaar Al Asad, kadib markii lagu helay qaar kamid ah dambiyo lagu soo eedeeyay.

Rifaat Al Asad 82-sano jir ah ayaa maxkamada kutaala Faransiiska ku riday afar sano oo xabsi ah, waxaana ninkan lagu helay dambi ah in uu lunsaday sidoo kale isdabada mariyay lacago badan oo ay leedahay Dowlada Suuriya.

Waxa uu beeniyay Rifaat Al Asad in uu galay dambiyada musuq maasuqa ah ee lagu soo eedeeyay, waxa ayna qareenada difaacaya ninkan Rifaat sheegeen in racfaan ka qaadan doonaan xukunka lagu riday.

Maxkamadan kutaala dalka Faransiiska ayaa sidoo kale amartay in lala wareego dhamaan hantida Rifaat Al Asad u taala gudaha dalkaasi, lamana oga ilaa hada qiimaha hantida Faransiiska u taala Masuulkan u dhashay Suuriya.

Rifaat Al Asad , ayaa Madaxweyne kuxigeen kasoo noqday dalka Suuriya, waxa uu sidoo kale soo noqday taliyaha ciidamada dalka Suuriya xili uu dalkaasi Madaxweyne ka ahaa Walaalkiis Xaafid Al Asad.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo soo bandhigtay liiska Musharaxiin loo qoray 16-ka kursi ee taalla Boosaaso

Caydiid Ali

RW Itoobiya oo Jabuuti u tagay xalinta khilaaf ka dhex aloosan Madaxda IGAD

Caydiid Ali

Qaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug oo ka habaarsaday Odayaashii soo xulay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---