Shirkii Guddiyada Farsamada ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ayaa la soo sheegayaa in lagu kala kacay ka dib markii la isku mari waayay qodob ka mid ah War murtiyeedka shirka ee la soo saari lahaa sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya dalka Jabuuti.
Inta badan qodobada laga wada hadlayay sida inaan la siyaadadeyn mashaariicda horumarineed iyo saadaasha hawada ayaa is faham laga gaaray balse xubnaha Somaliland ayaa diiday qodob ay wadatay DF oo ahaa inaan la siyaasadeyn isdhexgalka bulshada labada dhinac sida iney Muqdisho iyo Hargeysa isaga gooshi karaan, Fanka, Dhaqanka, Ganacsiga iyo Isboortiga.
Guddiga metelayey Somaliland ayaa la sheegay iney arrintaas si weyn uga soo horjeesteen, taasoo keentay in xubnaha wadahadalka ku metelayey ay ka baxaan shirka, iyagoo sheegay iney wadatashi iskugu laabanayaan.
Masuuliyiinta martida loo yahay ee dowladda Jabuuti ayaa dadaal ugu jira sidii dhinacyada mar la iskugu keeni lahaa, si heshiis looga gaaro war murtiyeedka qodobadiisa qaarkood la isku mari waayey.
La soco wixii soo kordha..
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com