Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

(Sawirro) Maxaa ka jira in Meydadka dad u dhintay COVID-19 lagu gubay Hargeysa?

Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland wararka naga soo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in halkaas lagu gubay Meydadka dad la sheegay iney u dhinteen Cudurka COVID-19.

Degaan lagu magacaabo Xeedho oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in lagu gubay meydadka dad ajaaniib ah oo cudurka u dhintay sida ay dad goob joogayaal ah warbaahinta u sheegeen, iyadoo arrintan haddii la xaqiijiyo ay noqoneyso mid ku cusub Somaliland.

Dadka degaanka qaarkood ayaa ku waramay in duhurnimadii maanta ay arkayeen Meydad degaanka lagu keenayo gaadiid, kadibna la qabad siiyay qab xooggan.

“Waxaa naloo sheegay in dadka la gubay ay ahaayeen ajaaniib magaalada hargeysa ugu dhintay cudurka Coronavirus, arrintan walaac badan ayey nagu abuurtay, waxaana  ka cabsi qabnaa iney saameyn ku yeelato caafimaadka guud ee degaanka” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha degaanka oo saxaafada la hadlay.

Maamulka Somaliland ayaan weli ka hadlin dhacdadan la sheegay in lagu gubay dad ajaaniib ah oo u dhintay Cudurka COVID-19, iyadoo arrintan ay ku soo aadeyso xili ay sii kordhayaan kiisaska cudurka COVID-19 ee laga soo sheegayo Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

14 arrin oo lid ku ah tanaasulka uu sheegtay Farmaajo & Rooble oo lagu wareejiyey..

Caydiid Ali

Lacago Shilin Soomaali ah oo lagu boobay magaalada Khartuum iyo DF oo ka hadashay

Cabdi Cade

Puntland oo eedeyn culus u jeedisay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---