Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

WhatsApp oo soo kordhisay adeeg cusub oo lacagaha la iskugu dirayo

Shirkadda Facebook ayaa shaacisay adeeg cusub oo hab digital ah oo lacagaha la isugu diri karo waxna lagu iibsan karo oo ay ku darayso barteeda WhatsApp.

Adeeggaan oo lacagaha la isugu diri karo waxna lagu iibsan karo ayaa markii ugu horreysay laga hirgeliyay Brazil.

WhatsApp ayaa u ogolaanaya dadka isticmaala aaladda inay lacagaha isugu diraan si bilaash ah ayna sidoo kale wax ku iibsadaan, iyadoo aan wax khidmad ah laga jareynin.

Aasaasaha shirkadda Facebook Mark Zuckerberg  ayaa ku dhawaaqay inay dhawaan adeeggaan ku sii fidin doonan dalalka kala ah Hindiya, Indonesia, Mexico iyo guud ahaan caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo codsi u jeediyay Madaxda Hay’addo ku sugan Imaaraadka

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo dalab adag hor dhigtay Xukuumada RW Abiy Ahmed

Caydiid Ali

Muxuu yahay sharciga cusub ee uu saxiixay Madaxweyne Xassan Sheekh? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---