Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay iney wakhtigeeda saacadda beddeshay si ay iisula sinto wakhtiga Koonfurta Kuuriya kaddib marki uu toddobaadki hore wadahadal dhex maray labada dhinac.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee KCNA oo soo xigatay saraakiil sare waxay wakhtigeeda saacadda ay dib u dhigtay 30 daqiiqa maalinta sabtida ah
Dib u dhigidda saacadda waa “ficilki ugu horreeyey oo lagu tallaabsado” si loo dardar geliyo “geedi socodka Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed sidi loo mideyn lahaa.
Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay inuu maalin uu kulan la yeelanayo hoggaamiyaha Kooriyada Waqooyi, Kim Jong-Un.
“Waxaan ognahay inaan maalin meel ku kulmeyno, mar dhowna shaaca ayaan ka qaadi doonnaa”, ayuu yiri Madaxweyne Trump wuxuu hadalkaasi u sheegay wariyeyaal ku sugnaa bannanka aqalka cad ee mareykanka maalinti jimcaha isaga oo intaa ku daray inuu rajeynayo ney halkaasi ka soo baxaan arrimo aad iyo aad u fiican”
Xafiiska Shabakada Allbanaair.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com