Allbanaadir.com
NEWS

Weerar lagu qaaday saldhiga Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin magaalada Baladweyne

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar madaafiic ah ku qaaday saldhig ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti ku leeyihiin xaafada Howl-wadaag .

Ciidamada AMISOM ee ku sugnaa xerada madaafiicda Al Shabaab ku weerareen ayaa dhankooda ku jawaabay madaafiic culus, waxaana xaalad cabsi ah lasoo daristay dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne gaar ahaan Howl-Wadaag.

Madaafiicda Al Shabaab iyo ciidamada Jabuuti is weedaarsadeen ayaan la ogeyn wali khasaaraha ka dhashay, dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaana aad u hadal haya weerarkan xalay dhacay.

Ciidamada Jabuuti ayaa saakay ku baxay howlgalana ka sameeyay aaga weerarka laga soo qaaday, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay taliska AMISOM iyo maamulka magaalada Baladweyne oo ku aadan weerarka madaafiicda ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Benjamin Netanyahu oo qaatay go’aan adag oo Mareykanka ka careysiiyay

Cabdi Cade

Agaasimayaal katirsan dowladda oo Maxkamadda gobolka Banaadir la horgeeyay

Cabdi Cade

Baaritaanka ku socda Madaxweyne Trump oo marxalad cusub oo xasaasi ah galaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---