Labo qarax ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska afarta jardiino ee u dhexeeya labada suuq ee kala ah Suuqa Maanabooliyo iyo Suuq bacaad.
Qaraxyadan oo loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro oo loo yaqaano F-1 ayaa lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dowlada Somalia oo isgoyskaas ku leh bar control oo lagu baaro gaadiidka.
Ciidamada halkaas ku sugnaa ayaa qaraxyada ka dib hawada u furay rasaas aan badneyn, iyagoo muddo kooban xiray wadada, howlgalo ay halkaas ka sameeyeen awgeed.
Inkastoo ay aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadan ayaa haddana dad goob joogayaal ah waxay sheegeen iney arkeen saddex qof oo ku dhaawacmay qaraxyadaas kuwaasoo dhamaatood ahaa shacab halkaas ka dhowaa.
Ciidamada amaanka ayaa wax yar ka dib furay wadada, iyadoo xaaladu ay caadi ku soo laabatay laamaha ahaanka dowlada saraakiishooda ayaana weli ka hadlin qaraxyadan oo la aaminsan yahay iney geysteen dabley ka tirsan Al-shabaab oo baxsaday.
Xafiiska Shabakada Allbanaair.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com