Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii uu horkacayey oo dalka ku soo laabtay (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu dalka Jamhuuriyadda Jabuuti kaga qayb galay Shirka Dhab u Heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Walaalaheenna Somaliland.

Madaxweye Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Dalka iyo wafdiga la socda ayaa dalka Jabuuti uga qeyb galay Shirka Dhab u Heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Walaalaheenna Somaliland, iyadoo uu maanta khubad ka jeediyay munaasabadda daah furka go’aamadii shirka dhab u heshiisiinta DFS iyo Somaliland, waxaana uu u rajeeyey in shirkani uu guul, walaaltinimo iyo wax wada qabsi ku soo gaba-gaboobo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan deg deg ah oo la iskugu yeeray Guddiga joogtada ah ee Baarlamanka Somalia

Caydiid Ali

Ciidanka Israel oo mar kale xasuuqay dad safaf ugu jiray cunto gargaar ah (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Dayuurad ay leedahay Shirkadda Ethiopian Airlines oo ku dhacday..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---