Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ruushka oo xabsi dheer ku xukumay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Maraykanka (Sawirro)

Maxkamad ku taalla Ruushka ayaa 16 sano oo xarig ah ku xukuntay Sarkaal horay uga tirsanaa ciidamada badda ee Maraykanka oo ay u haysatay dambi ah inuu basaasi jiray.

Paul Whelan, ayaa lagu xiray hotel ku yaala Moscow 18 bilood ka hor, kaddib markii lagu helay xog sir ah oo dowladda Ruushka gaar u ahayd.

Maxkamadda magaalada Moscow ayaa ku heshay dambi ah inuu helay xog aanan la shaacinin oo sir u aheyd dowlada Ruushka.

Whelan oo sidoo kale haysta dhalashada UK, Canada iyo Ireland ayaa horay u dafiray eedeymahan, wuxuuna sheegay in uusan haynin xog ku saabsan dowladda Ruushka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dib u dhac ku yimid shirkii Madaxda dowlad goboleedyada & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Magacaabis & isku shaandheyn lagu sameeyey agaasimeyaasha Waaxyaha gobolka Banaadir (Akhriso)

Caydiid Ali

Xildhibaanada Golaha shacabka BFS oo ansixiyey sharci Muhiim ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---