Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo codsaday in laga shaqeeyo miro dhalinta Shirka Jabuuti ka socda

Wajigii labad ee Wadahadladii u dhaxeeyey J Somaliland iyo Soomaliya ee shalay ka furmay Waddanka Jabuuti oo maanta mar kale dib u furmay oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kalena waxaa shirkaasi goob joog ka ahaa Dawladda Maraykanka.

Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa guddida farsamo ee wada-hadalada loo saaray kula dardaarmay in runta laga-wada hadlo islamarkaana, loo baahan yahay in shirkaasi guulaysto oo midho-dhal wax ku ool ahi kasoo baxaan.

Waxaanu Madaxweynuhu yidhi “Dhankayaga waxaanu halkan la nimi run, wixii aanu dhibaato u aragno in aanu sheegno, wixii Soomaali u dan ah ee aanu ka fursan waynayna waanu la nimi, Walaalahayo waxaanu u sheegaynaa si walaaltinimo ah waxaanu diyaar u nahay inaanu dhegaysano rayiga naga duwan ee kaayaga ka kafog in aanu dhegaysano oo dulqaadkeeda yeelano oo aaanu rog-rogno baanu u nimi idinkana sidaa iyo si lamida ayaanu idinka doonaynaa, Shalay arrintu waxay ahayd Madaxweynayaashii baa shiray oo hadlay oo la dhegaysanaayey, masuuliyadii waanu soo wareejinay guddidan wasiirada ah baa lagu soo wareejiyey annagu tilmaantayadii waanu dhamaynay, maanta waxaa lasoo eegayaa guddida farsamo ee halkan ku hadhay inay keento maxaaa inoo dan ah maxaa ugu dhow ee aan ku heshiin karnaa.

Intaasi ka dib Madaxweynayaasha ayaa ka baxay goobta waxaana kulanka isku horfadhiya guddiyadii farsamo ee loo saaray shirkaasi.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaaraha UK oo Xaflad aroos oo qarsoodi ah dhigtay iyo hadal heyn ka dhalatay

Cabdi Cade

Taliyaha XDS oo booqday Kulliyada tababarka ciidamada dalka Qatar (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo bedelaysa taatikada ay kula dagaalanto Al-shabaab iyo Guddoomiye Mursal oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---