Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) War Murtiyeed rasmi ah oo ka soo baxay shirkii Jabuuti & khalad dhacay oo la saxay

Dowlada Jabuuti ayaa War-murtiyeed kasoo saartay shirkii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland maanta ku yeesheen magaalada Jabuuti.

War-murtiyeedka  ayaa dib loo saxay kadib markii dowladda Soomaaliya ay diiday war-murtiyeedkii hore oo ay ku sheegtay inuu ahaa mid aysan raali ka aheyn oo ay ku xusnaayeen  ereyo dhowr ah oo wax u dhimeya madax-banaanida dalka, kuwaasoo ay  ka mid ahaayeen labada dal, labada shacab iwm, waxaana lagu bedelay ereyo kale oo ay ka md yihiin Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa shirkan goobjoog ka ahaa xubnaha beesha caalamka, iyadoo uu shir guddoominayey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Qoraalka War-murtiyeedka oo nuqul ka mid ah loo soo diray allbanaadir Olnine ayaa lagu sheegay in madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ay isla garteen in la aas-aaso guddi farsamo oo ka kooban xubnaha wufuudda labada dhinac, si ay usii wadaan wada-hadallada.

Sida ku xusan War-murtiyeedka Waxaa la isla gartay in wada-hadallada labada dhinac laga sii ambaqaado arrimaha taagan ee labada dhinac ay horey isugu raaceen.

Inaan la siyaasadeynin kaalmada horumarinta iyo maal-gelinta ayaa sidoo kale ka mid ah qodobada ku xusan war murtiyeedka.

Qodobkan oo ahaa mid ay Somaliland daneyneysay ayaa haatan u muuqata iney ku guuleysatay, maadaama horey dowladda Soomaaliya u joojisay deeqdii Somaliland qasabna ka dhigtay in iyada loo soo mariyo maadaama ay tahay dowlada Somalia oo dhan loo aqoonsan yahay.

War murtiyeedku waxa uu ugu baaqay dhammaan beesha caalamka in ay hannaankan wadaxaajood taageeraan.

War murtiyeedka ayaa u muuqda mid aan nuxur badan laheyn oo kaliya ujeedadiisu aheyd in lagu muujiyo in shirkaas ay wax uun ka soo baxeen.

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in lagu kala tagay shirkaas aysana ka soo bixin wax natiijo ah a dib markii Somaliland diiday in la wada hadlo shuruudna ka dhigtay in la fuliyo qodobadii ay labada dhinac horey ugu heshiiyeen.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabada furitaanka shirka waxaa uu beesha caalamka ka codsaday iney aqoonsi buuxa siiyaan Somaliland, isagoo xusay in shacabka Somaliland ay muddo dheer u soo dhabar adaygeen iney arkaan iney noqdaan umad la mid ah umaddaha caalamka oo leh dowlad madax banaan.

HOOS KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA OO ENGLISH KU QORAN:

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran oo gacanta ku dhigtay Shabakad xiriir la leh Sirdoonka Yuhuuda

Caydiid Ali

Midabka biyaha webi ku yaalla dalka Argentina oo isbedelay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlad dooneysa in ay Dumiso Masjid weyn iyo Muslimiin ka carooday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---