Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo ku dhawaaqday inuu fashilmay shirkii maanta ka furmay Jabuuti

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ka mid ah wafdiga Somaliland, ayaa sheegay in lagu kala kacay wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayna jirin wax natiijo ah oo ka soo baxay.

Saleebaan ayaa  sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku xireen hal shardi oo ah inay marka hore  fuliyaan qodobadii lagu heshiiyay wadahadalada hore ee Soomaaliya iyo Somaliland.

“Wax natiijo ah oo maanta shirkaas kasoo baxay ma jiro oo Somaliland waxay taagan tahay markii hore hala fuliyo wixii horey loogu heshiiyey ka dib baanu wadahadleynaa” ayuu yiri Guddoomiye Saleebaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in gabi ahaanba shirkii uu sidaas ku fashilmay, isla markaana ay berri ama berri dambe ku soo laabanayaan magaalada Hargeysa, isagoo xusay ineysan jirin kulamo dambe oo labada dhinac ay halkaas ku yeelan doonaan.

Inaan la xayirin deeqaha Somaliland iyo gargaarka bani’aadannimo, inaan la carqaladeyn heshiiskii hawada ee horay loo gaaray, in  hadallada xanafta leh aan warbaahinta la isku marin, iyo in dad kasoo jeeda Somaliland aysan kasoo qeyb galin wada-hadallada labada dhinac ayaa ka mid ah qodobada ku xusan heshiisyadii hore ee Somaliland dooneyso in la fuliyo inta aan la gelin wareeg kale oo wadahadalo ah sida uu sheegay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Cabdifitaax Saciid Axmed.

Ma jiro war arrintan ku saabsan oo ka soo baxay dhinaca dowlada federaalka Somalia.

Shirkan ayaan loo qaban waqti, isla markaana ma jiro ajendayaal lasoo bandhigay oo maanta dhaafsiisan, waxaana War-murtiyeed kasoo baxay Dowladda Jabuuti lagu sheegay in Guddiyo ka tirsan labada dhinac ay sii wadi doonaan wadahadalka iyo arrimaha farsamada.

Markii uu shirkani soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle oo kulankan ku tilmaamay fursad qeyb ka ah nabadeynta Soomaaliya.

“Haddaanu nahay reer Jabuuti, waxaan had iyo jeer ku rajo weynahay in walaalaheenna Soomaaliyeed ay heli doonaan waddo ay ku wada shaqeeyaan, mar walbana waan idin garab taaganahay si aan u caawino kobcinta natiijooyinka ugu wanaagsan ee dan u ah qof walba,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare hore oo kasoo horjeestay Qodobadii kasoo baxay Shirkii golaha Wadatashiga

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo magacaabis cusub sameeyay (Akhriso)

Cabdi Cade

Qaraxyo lagu aasay degaano hoos taga Magaalada Boosaaso oo la fashiliyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---