Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo War ka soo saaray shirka Jabuuti uga furmay Madaxda Somalia & Somaliland

Dowladda Mareykanku ayaa soo dhoweysay wadahadallada maanta ka furmay dalka Djibouti ee ay ku kulmayaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo ay kala hogaaminayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi.

Qoraal kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya laguna daabacay Twitter-ka ayay ku sheegtay in Mareykanku uu taageersan yahay wadashaqeyn dan u ah Soomaalida iyadoo loogu baaqay in dhammaanba Soomaalidu ay taageeraan hanaankan, si xal waara looga gaaro arrinta ku saabsan midnmimada dalka.

Kulanka madaxda Soomaaliya iyo Somaliland oo ka dhacay dalka Djibouti oo uu guddoominayo Madaxweynaha dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle.

Bishii February ee sanadkan ayay Farmaajo iyo Biixi si kooban ugu kulmeen magaalada Addis Ababa, laakin sii ambaqaadista wadahadallada laba dhinac ayaa in muddo ahba hakad ku jiray.

Maraykanka ayaa la sheegay inuu ka dambeeyo qaban-qaabada wadahadalkan oo qaban-qaabadiisa ay muddo dheer u socotay si hoose, waxaana ka mid ah waxyaabaha diirada lagu saarayo arrinta la xiriirta kala go’a iyo midnimada Somalia oo ah ajendaha ugu weyn ee madaxda labada dhinac hor yaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dab qabsaday Suuqa Laascaanood iyo Boolis goobta gaaray oo la weeraray

Caydiid Ali

Waa kuma Maxamed Qanyare “ Taariikhdiisa soddomeeyadii sano ee u dambeeyay (Qaybta Saddexaad)

admin

Shirkadda Favori Oo Eeyo Sharci Darro ah dalka soo gelisay iyo Amniga Garoonka Oo Halis Ku Jira.

admin
Taboola Ads ---