Allbanaadir.com
NEWS

Shir horu dhac ah oo Jabuuti uga furmay Madaxda Soomaaliya iyo Somaliland (Sawirro)

Madaxtooyada dalka Jabuuti waxaa goordhaw shir horu dhac ah ku yeeshay Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Somaliland, waxaa sidoo kale shirkan qeyb ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Shirkan horu dhac ahaa ayaa ahaa mid is arag iyo kala war qaad  waxaana la filayaa in wadahadalo kale oo toos ah ay yeeshaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa dhax dhaxaadinaya labada dhinaca ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxaana jiri doono kulamo gaar gaar ah ay labada dhinac yeelan doonaan.

Shirkan la isugu keenayo Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Somaliland ayaa noqonaya kii ugu heer sareeyay oo labada dhinac isku arkaan, waxaana laga war sugayaa natiijada kasoo bixi doonto gaba gabada wadahadalada labada dhinac.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

ECOWAS oo ku gacan seyrtay arrin ay soo jeediyeen Milateriga qabsaday xukunka Niger

Caydiid Ali

Askar ka tirsan ciidanka Kumandoska Gorgor oo dil iyo xabsi lagu xukumay (Sawirro)

Caydiid Ali

Gaari lagu soo raray Qarax aad u tan weyn oo kusoo jeeday Muqdisho oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---