Allbanaadir.com
NEWS

Madaxtooyada Soomaaliya oo Madaxweyne KMG ah u aqoonsatay Axmed Madoobe

War Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa loogu aqoonsaday Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe in uu yahay Madaxweyne KMG ah kadib doorashadii muranka dhalisay ee ka dhacday Kismaayo.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyada oo ka duuleysa qaraarkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ay ku ansixiyeen go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta kaasoo ay ku caddaysay inaysan aqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii Jubaland ee hareer marsanaa habraacyada saxda ah ee ay dejisay Wasaaradda, kana hor imaanayay Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka;

DFS iyada oo tixgelisay mawqifkii caddaa ee Beesha Caalamka ee ku aaddanaa in ay lagama maarmaan tahay in ay dhacdo doorasho la isku raacsanyahay, la isku halleyn karo, haysata taageerada dadka Jubalanad oo dhan, horseedi karta midnimada bulshada Jubaland, laguna duray sax ahaanshaha doorashadii dhacday;

DFS waxay ka xuntahay faragelinta qaawan ee Kenya ee arrimaha doorashooyinka Jubaland taasoo dooneyso in ay cadaadis siyaasadeed uga dhigto Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay danaheeda uga gaarto qadiyadaha lagu muransan yahay ee dhex yaalla labada wadan gaar ahaan dacwada badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

DFS oo garawsan baahida loo qabo in la helo maamul ay heshiis ku yihiin dhammaan dadka deegaanka, ayna lagama maarmaan tahay in la lasoo afjaro khilaafaadka soo jiitamayay waxay soosaartay go’aamadan;

1. DFS waxay Mudane Axmed Maxamed Islaam u aqoonsanaysaa Madaweynaha Maamulka Kumeel Gaar ah ee Jubaland.
2. Muddo-xileedka Maamulkan KMG ah waa labo sano ah oo ka bilaabanaysa xilligii uu dhammaaday muddo xileedkii u dambeeyay.
3. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha KMG ee Jubaland inuu fidiyo gogol ay isugu imanayaan dhammaan dadkii ku kala irdhoobay khilaafka ka dhashay doorashadii Jubaland si dib loogu yagleelo Jubaland mideysan, ayna ka dhacdo doorasho waafaqsan Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka.
4. DFS iyada oo gudanaysa waajibeedkeeda dastuuriga ah waxay mar walba u taagan tahay ilaalinta danadaha qaranka, midnimada shacabkeeda iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirka Madasha Isku-duwidda Horumarinta oo maanta Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin Xaaskiisa oo 10-caruur ah dhashay ku dilay Warsheekh iyo Sababta keentay Dilka

Cabdi Cade

Maraykanka oo baaq ka soo saaray khilaafyada Siyaasadeed ee ka jira Somalia

Caydiid Ali