Wadada isku xirta isgoysyada Bakaaraha iyo Black sea oo ka mid aheyd wadooyinka ugu burburka badan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda howlo ballaaran oo dib loogu dhisayo.
Wadadan oo dhexmarta Suuqa Bakaaraha ayaa ku dhowaad muddo 30 sano ah waxay aheyd mid burbursan oo gaadiid iney isticmaalaan iska daaye dadku ay dhibsan jireen iney socod ku maraan, waxayna noqotay wado la ilaaway oo isku bedeshay qashin qub iyo meel ay fariistaan biyaha roobabka oo aad u qarmuun iyo wasaq badan.
Masuuliyiinta gobolka Banaadir ayaa dhowaan dhagax dhigay wadadan iyadoo dhismaheeda ay iska kaashanayaan dadka degaanka, ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo Maamulka gobolka.
Shirkadda Qandaraaska lagu siiyey dhismaha wadadan ee Buruuj Constraction Co. ayaa sheegtay in dhismaha wadadan ay si adag uga soo shaqeeyeen, aysana burbur u geysan karin daadadka roobabka iwm.
Wadadan oo haatan dhismaheeda uu soo gaaray heer gebogebo ah ka dib markii laami saarid lagu bilaabay ayaa waxaa la filayaa in dhowaan xariga laga jaro, iyadoo markii ugu horeysay 30 sano ka dib wax la qeybsan doonta jidadka kale ee Muqdisho.
Hoos ka daawo sawirada sidii AY ahaan jirtay wadadan dhismaha ka hor iyo isbedelka ka dib ku dhacayÂ
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com