Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu ku jiro Dabin siyaasadeed oo taxadar u baahan

Senator Mustafe Maxamuud Qodax oo katirsan Xildhibaanada Aqalka sare ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku jiro dabin siyaasadeed oo la dhigayo xili mudo xileedkiisa uu gabo gabo yahay.

Qoraal uu soo dhigay barta Facebooka ku leeyahay Senatorkan ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo xiligan wajahayaan duufaano siyaasadeed, waxa uuna xusay in xiligan aysan ku habooneyn wadahada dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Halkan ka AKhriso Qoraalka Senenato Qodax arintan uga hadlay

Madaxweyne farmaajo wuxu ku jiraa dabin siyaasadeed, waxayse u egtahay inuu si taxadar leh uga fikiray sidu uga bixilahaa.

Looma baahna inay somaliland dhabar jabiso mucaaradka somaliya iyo umada somaliyeed ee isbadal doonka ah ee La daalaa dhacaysa beenta iyo borobagaandada xukuumada N&N ee aan social media ha dhaafsanayn, waxan u arkaa ilduuf siyaasadeed inay somaliland ka ogolaato Farmaajo wadahadal xilli ay xukuumada somaliya u hadhay muddo lix bilood oo kaliya.

Ka sakow muddo xileedka dawlada somaliya ee gebo-gabada ku dhaw; Farmaajo waxa uu badhtanka ugu jiraa mawjado khilaaf siyaasadeed oo ay adagtahay inuu ka sabato baxo, markaad eegto duruufaha ku xeeran iyo fursadaha uu haysto.


Wadahadal kasta oo somaliya iyo somaliland dhexmara waxa sal u ah inuu haysto kalsoonida xisbiyada ka jira labada dhinac, dhinaca somaliya; maadaama ay dawladu tahay dawlad federaal ah waxa muhiim ah inay ugu yaraan maamul goboleedadu kalsooni ku qabaan dawlada federaalka waa haddaanayba si toosa ugu lug lahayn wadahadalada, taasoo aynu maanta ognahay halka ay kala marayaan Farmaajo iyo inta badan madaxda dawlad goboleedyadu.

Dhinaca somaliland waa muhiim in xisbiyada dalka ka jira laga talo galiyo wadahadal kasta ama ugu yaraan loo bandhigo waxa socda si ay aragti iyo talo ugu yeeshaan.

Markaad dib uyara raacdo afcaasha xukuumada Farmaajo, malaha taariikh wanaagsan oo ah dhinaca walaalaynta iyo isu soo dhaweynta dadka somaliyeed, waa xukuumada aalaaba ka shaqaysa fadqalalo iyo cunfi xaasidnimo ka muuqato oo ay ugu danbaysay waraysigii wasiirka arimaha dibada ee dawlada federaalku ku weeraray PD world oo mashaariic horumarineed kawada somaliland waraysigaa wasiirka oon marnaba u adeegayn isu soo dhawaanshaha ummada.

Markaan dhan walba iska taagay aniga aragtidayda iima muuqato wax haba yaraatee fursad ah oo wakhti xaadirkan wada hadal ugu jirta somaliland iyo guud ahaan ummada soomliyeed oo u baahan in farmaajo laga hor dhaqaqjiyo.

Taa bedelkeeda, waxay fursad u tahay Farmaajo oo doonaya inuu indha ummada somaliyeed iyo kuwa beesha caalamka ee sida dhaw ula socda waxa ka dhacaya somaliya uu ka jeediyo kuna mashquuliyo mawduuc kale.

Waxan hubaa in xalay oo kaliya uu yaraaday culayskii social media ha ka haystay N&N oo social media u yahay garoobka diyaaradaheedu ka kacaan, kadib markii mar qudha lasoo tuuray wadahadalka tasoo noqotay mowduuc lagaga nastay mashaqadii siyaasadeed ee ay ku jireen N$N waana sida ay doonayeen.

W/Q Senator Mustafe M Qodax

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Danjiraha cusub ee Mareykanka oo Muqdisho soo gaaray & Wasir Fiqi oo..(Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Madax ka tirsan DF oo is weeraray & Vila Somaalia oo jawaab deg deg ah laga sugayo

admin
Taboola Ads ---