Allbanaadir.com
NEWS

Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo wax badan ka duwanaan doona kuwii hore

Waxaa isbuucan lagu wadaa in dalka Jabuuti ka furmo wadahadalo xasaasi ah oo la isugu keenayo Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo madaxda hogaamisa maamulka doonaya madax banaanida ee Somaliland.

Wadahadalan ka furmaya dalka Jabuuti ayaa wax badan ka duwanaan doona kuwii hore, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in wadahadalan ay ka qeyb gali doonaan wafdi miisaan culus leh oo ka socda dowlada federaalka Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya warar laga helay ayaa sheegaya in shirkan wafdiga dowlada ku matala ay kamid yihiin Madaxweyne Farmaajo, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre.

Maamulka Somaliland waxaa sidoo kale wadahadalada ka furmaya Jabuuti ku matali doona Madaxweyne Muuse Biixi xubno sar sare oo katirsan maamulkiisa, waxaana wadahadaln yihiin kuwa xasaasi ah oo wax badan ka duwan kuwii horey u istaagay.

Wadahadalan loo furayo dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland waxaa gadaal ka riixaya Mareykanka iyo midowga Yurub, waxaa sidoo kale gacan ka geesanaya dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti.

Wadahadalan ayaa sidoo kale la filayaa in ay ka qeyb galaan Madaxda dowladaha Jabuuti ,Itoobiya iyo wakiilo ka socda dowladaha Mareykanka iyo midowga Yurub oo gadaal ka riixaya wadahadalan .

Abaabulka wadahadalkan u dhaxeeyn doona dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa kusoo aadaya xil xasaasi ah oo lagu jiro kala guur, waxaana dowlada hada jirta uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo mudo xileedka uga haray bilooyin yar.

Wadahadalan loo furayo Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa kusoo aadaya xili dowlada uu khilaaf kala dhaxeeyo qaar kamid ah mamaul goboleedyada dalka sidoo kale wali kala cadeyn nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amniga Muqdisho oo faraha ka baxay & Cumar Filish oo ku mashquulay garab istaaga Farmaajo !!

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo caawa Fariin u diray Madasha Wadatashiga Qaran

Cabdi Cade

Diidmada shilinka Soomaaliga oo sii kordheysa & Bankiga dhexe oo digniin soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---