Allbanaadir.com
NEWS

Calanka Midowga Africa ee suran Muqdisho iyo xarumo kale oo hoos loo dhigayo

Hawl-galka Midowga Africa ee AMISOMĀ  ayaa waxa ay hoos u dhigayaan calanka Midowga Africa ee suran xaruntooda Muqdisho, magaalooyinka kale iyo dhamaan fariisimaha ay ku leeyihiin Soomaaliya si ay xurmo uga sameeyaan madaxweynihii Burundi, Pierre Nkurunziza oo geeriyooday asbuucii hore.

Madaxa AMISOM, Ambassador Modera oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweyne Pierre si madaalenimo ah uu ugala shaqeeyey midowga Africa sidii nabbad iyo amaan looga dhigi lahaa Soomaaliya.

Modera ayaa faray xarumaha AMISOM in ay calanka Midowga Africa hoos u dhigaan ilaa laga gaarayo habeenka Salaasada saqda dhexe, June 16, taasi oo ah xus, ay ku xushmaynayaan kaalintii Madaxweyne Burundi uu ku lahaa hawsha aya ciidankaasi ka hayaan dalka Soomaaliya.

Ciidanka Burundi ayaa kamida ciidanka AMISOM ee mudada ka badan 10-sano hawl-galka nabbad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya, waxaana ay joogaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo labada Shabelle.

Ā 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo goor dhow ka dhacay Woqooyiga Gaalkacyo

Caydiid Ali

Hotelkii ay Doha ka degnaayeen Ciyaartoyda xulka Ghana oo laga saaray Iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Howlgal lagu dilay Shabaab badan laguna soo qabsaday Gaadiid Dagaal oo ka dhacay Beerta Sheekh Qaasim (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---