Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo la sheegay in lacag badan ku bixisay fashilinta heesta Waayaha cusub

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa hadal heyn badan baraha bulshada ka abuurtay hees ay soo saareen kooxda Waayaha cusub oo lagu dhaliilayay waxna looga sheegayay dowlada Nabad iyo nolol uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Heestan ayaa markii lasoo galiyay barta Youtubeka ee kooxdan leedahay waxa ay la kulantay fal celino dad badan la yaabeen, waxaana inta badan dadkii daawaday heestaan saareen calaamada dislike-ta oo ah in aysan ka helin.

Gudoomiyaha kooxda Waayaha cusub Shiine Cabdullahi Cali (Akhyaar), oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in heestan usoo saareen wacyi galin ahaan xiligan kala guurka ah, waxa uuna xusay in heestan lagu muujinayay xaqooqooyin xiligan jira.

”Ujeeddada aan heestan u sameynayna waa inaan Shacabka Soomaalida ah xilligan xasaasiga ah ee kala guurka lagu jiro ugu iftiiminno xaqiiqooyin badan oo jira iyo waxyaabo looga dhigayo dowladnimo, waana sababta keentay saameynta intaas la eg,” ayuu yiri Shiine Akhyaar.

Waxa uu sheegay Shiine Akhyaar in ay qariyeen qeybta Like-ta iyo Dislike-ta ee heestan, waxa uuna xusay in marin habaabin laga dhigay fal celinta heestan ka muujiyeen dadkii Soomaaliyeed ee daawaday.

“Sababta aan u xirnay like-ga iyo dislike-ga waxay ahayd inaan sida ay dadka ugu marin habaabinayaan, inay guul ka dhiganayaan oo ay muujinayaan in Waayaha Cusub ay shacabka Soomaaliyeed disle gareeyeen.” ayuu yiri Shiine.

Gudoomiyaha Waayaha cusub ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya lacag gaareysa 50-kun oo dollar ku bixisay sidii heestaan loola dagaalami lahaa, waxa uuna xusay in lacag lagu bixiyay in heesta Dislike badan la saaro.

“Saacadihii ugu horreeyay si fiican ayaan ula soconnay, laakiin waxaan ognahay in 50,000 oo doolar ama 40,000 oo doolar ku dhawaad loo adeegsaday in lala dagaallamo xorriyatul qowlka, oo lagu soo iibsaday dslike sidoo kalena abaabul laga sameeyo baraha bulshada,” ayuu yiri. Shiine Akhyaar.

Heesta Waayaha cusub soo saartay ee lagu dhaliilayay dowlada ayaa noqotay tii ugu saameynta badneyd ee soo baxda mudooyinkan, waxa ay sidoo kale noqotay heestii ugu dislike-ta badneed heesaha Soomaaliyeed.

W/Q Hassan Abdulle Noolow 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

AMISOM oo War ka soo saartay dhacdo ciidankeedu ku dileen dad shacab ah (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo shaaciyay in uu ka war hayo Xaalada uu ku sugan yahay Kim Jon Un

Cabdi Cade

Haweeney 37 sano jir ah oo dhashay 44 caruur ah(Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---