Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay labo nin oo gacanta ugu jiray

Fagaare kuyaala degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa lagu toogtay labo nin oo Al Shabaab ku eedeeyeen in ay katirsanaayeen ciidamada sirdoonka dowlada federaalka Soomaaliya

Maxkamada Al Shabaab ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa labadan nin ku heshay in ay katirsanaayeen ciidanka dowlada gaar ahaan sirdoonka Soomaaliya, waxa ayna maxkamada ku xukuntay in la dilo.

Fagaaraha lagu dilay labadan nin oo lagu kala magacaabo Axmed Max’med Foodeey iyo Cabdi Daahir Xiireey, waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan Al Shabaab iyo dadka ku dhaqan Ruun-nirgood oo usoo daawasho tagay sida xukunka loo fulinayay.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa xukuno isugu jira gacan iyo lug goysmo ah iyo karbaash ku fulisay labo nin oo kale oo lagu eedeeyay tuugnimo iyo sidoo kale kufsi, waxaana labadaasi nin xukunada lagula fuliyay goobo fagaare ah.

Al Shabaab ayaa deegaanada ay maamusho waxaa laga fuliyaa xukunada dilka ah iyo sidoo kale xukunada kale ee lagu fuliyo burcada iyo kuwa sineesta, waxaana Al Shabaab marar badan xukun dil ah ku fulisay rag ay ku eedeesay in dowlada u shaqeeyaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Ruto oo ka hadlay dibad baxyadii rabshadaha watay iyo Weerarkii Beerta Uhuro

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo ka hadashay walaaca laga qabo cudurka Ebola ee ka dilaacay Ugandha

Caydiid Ali

Nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo weerar ku qaaday xarunta Maxkamadda sare …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---