Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka iyo Masuuliyiin kale oo dalxiis u tagay Dayniile (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubno kale oo ka tirsan labada golle ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalxiis  u tagay dooga cagaaran ee degmada Dayniile .

Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha la socday ayaa saacado badan ku sugnaa degmada Dayniile, waxa ayna dalxiis ku tageen qeybo kamid ah degmadaasi gaar ahaan dooga cagaaran ee caanka ku tahay Dayniile.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka iyo xubnaha la socday ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarunta degmada Dayniile, garoonka diyaaradaha Dayniile iyo goobo kale oo katirsan degmadaasi.

Mahdi Guuleed ayaa amaanay horumarka iyo amaanka ka jira degmada Dayniile uu maanta saacado badan kusoo qaatay, waxa uuna Dayniile intii uu joogay soo arkay waxyaabo badan oo farxad galiyay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waddamada Carabta oo taageero xooggan u muujiyay Soomaaliya

Cabdi Cade

Su’aal sharci ah oo ka dhalatay xilka cusub ee loo Magacaabay C/raxmaan C/shakuur

Caydiid Ali

Weerar khasaaro geestay oo lagu qaaday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---