Dowlada Jabuuti ayaa War saxaafadeed ay soo saartay ku faah faahisay dambiyada loo heesto loona xiray Duuliye Fu’aad Yusuf Cali oo katirsanaa ciidamada Jabuuti, xariga duuliyahan ayaana si weyn ugu faafay baraha bulshada iyo warbaahinta.
War saxaafadeedka kasoo baxay dowlada Jabuuti ayaa lagu beeniyay warar siyaasiyiinta mucaaradka iyo Warbaahinta ka tabinayeen xariga Duuliye Fu’aad Yusuf, waxa ayna dowlada kuwa xaqiiqada ka fog ku tilmaameen wararaka warbaahinta baahiyeen.
“Maalmo badan waxaa la faafinayay sheekooyin salka ku haya mucaaradka oo ku saabsan eedeymo aan run ahayn iyo ku tiri ku teen aan xaqiiq ku dhisneyn oo ku saabsan xariga Fu’aad Yuusuf Cali oo la dhigay xabsiga Gaboode. Jamhuuriyadda Jabuuti waxay gaashaanka ku dhufaneysaa wararkan la isla dhex marayo oo ay daabaceen warbaahin ay ka mid yihiin kuwa dibadda,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowlada Jabuuti.
Dowlada Jabuuti ayaana soo bandhigtay lix dambi oo loo heesto duuliyahan xabsiga ku jira, waxaana dambiyada loo heesto ku jira kuwa culus ay kamid yihiin in uu doonayay in uu afduubto diyaarad milatari.
Halkan ka Akhriso lixda Dambi ee dowlada ku eedeesay Duuliye F’aad.
- Inuu isku dayay inuu diyaarad xado
- Inuu diyaaraddaas burburiyay
- Inuu xiriir joogto ah la lahaa awood ajnabi ah, oo ah waddan lagu magacaabo Eretariya
- Inuu shaaciyay farriin qalalaase abauureysa
- Inuu khatar galiyay difaaca qaranka, oo uu milatariga ku boorriyay inay amardiiddo sameeyaan
- Inuu si shaac baxsan meel ka dhac ugu sameeyay milatariga
Qareenka u doodaya duuliye Fu’aad Yuusuf Cali ayaa sheegay in aad loo dhibaateeyay Fu’aad looguna tuntay xaquuqdiisa, waxa uuna meesha ka saaray dambiyada dowlada ku eedeesay ninka uu difaacayo.
Muuqaal uu xabsi dhaxdiisa kasoo duubay duuliye Fu’aad Yuusuf ayaa ku baahay baraha bulshada, waxaana xarigan ka dhashay banaan baxyo rabshada wata oo ka dhacay dalka Jabuuti , waxaa sidoo kale si kulul loo cambaareeyay xariga dowlada u geesatay Fu’aad.
Â
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com