Allbanaadir.com
NEWS

Warar cusub oo kasoo kordhay cudurka sababay geeridii ku timid Madaxweynaha Burundi

Madaxweynihii dalka Burundi Pierre Nkurunziza , ayaa isbuucan ku geeriyooday magaalada Bujambuura, waxaana dowlada war ay soo saartay ku sheegtay in Madaxweynaha uu wadnaha istaagay.

Warar cusub oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Burundi u geeriyooday cudurka Caronavirus oo haleelay, waxaana la sheegay in Madaxweynaha kahor geeridiisa uu la xanuunsanayay cudurka Caronavirus .

Pierre Nkurunziza , ayaa ilo ku dhaw dhaw laga soo xigtay in uu sahashay cudurka Caronavirus oo haleelay, waxaa sidoo kale xiliga uu dhimanayay Madaxweynaha xaaskiisa cudurka Carona looga daweenayay dalka Kenya.

Dowlada Burundi ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Madaxweynaha uu wadnaha istaagay, mana ka hadlin ilaa hada dowlada warkan sheegaya in Madaxweynaha geeridiisa uu sababay cudurka Caronavirus.

Madaxweynaha geeriyooday ee Burundi ayaa horey wax weyn uga soo qaadin cudurka Caronavirus, waxa uuna amray in dalkaasi doorasho ka dhacdo xili uu cudurka Caronavirus dalkaasi dad badan laga helay.

Warkan ku saabsan in Madaxweynaha Burundi u geeriyooday cudurka Caronavirus hadii uu xaqiiqo noqdo ayaa waxa uu noqon doonaa Madaxweynihii ugu horeeyay isaga oo xil haya cudurkan u geeriyooda.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Ku dhowaad 80 qof oo ku dhintay Isbuurasho ka dhacday Magaalada Sanca

Caydiid Ali

Wakiilka Q/Midoobay u qaabilsan Somalia oo War-saxaafadeed soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Madasha Xisbiyada Qaran oo bogaadisay Dibad baxyadii ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---