Allbanaadir.com
NEWS

Xogta Jar Caalimi ah oo Ka Dhalatay Afduubkii loo geestay Silvia Romano

Silvia Romano oo November 20, 2018 laga qafaashay Kenya, balse 18 bilood kaddib lagu sii daayay Soomaaliya ayaa afduubkeedii dhaliyay, murugo iyo walwal ka sokow, wadashaqeyn fududeyn karta iskaashi caalami ah. Sida haatan soo ifbaxday, sirdoonka Talyaaniga ayaa waydistay Imaaraadka inay gacan ka siiyaan baadiggoobka Silvia Roamano, xilli Roma ay diblomaasiyad dabacsan kula dhaqmeysay Liibiya heshiiskii xakamaynta socdaalka ee 2017 uu dhacayay (Varese Press 02/06/2020).

Haddaba aanu isweydiinnee maxuu Talyaaniga uu ula xiriiray Imaaraadka? Waa maxayse xiriirka ka dhaxeyn kara Abu Dhabi iyo xagjirta?

Wax badan kama ogin kiiska, mana sahlana in ku tiri ku teen lagu saleeyo sirqoollada sirdoonka caalamka, balse xeeladda Abu Dhabi ay soo bandhigtay waxaa ka soo ifbaxday in Imaaraadku si uun ugu dhuundaloolo Al-Shabaab.

Sida uu qoray wargeys ka soo baxa dalka Talyaaniga, Abu Dhabi waxay Roma ku tiri, “Waannu idiin caawimaynaa, waana raadin karnaa gabadha waana heli karnaa, balse shardigu waxuu yahay in idinkuna aad beddelataan xulafeysigiinna Liibiya. Joojiya taakuleynta dowladda Al Serraj. Taa beddelkeed, nala taageera Janan Khalifa Xaaftar” (Africa Express 29/05/2020).

Tan iyo 2014, Liibiya waxay u qaybsaneed bariga oo ah dhul uu gacanta ku hayo Janan Khalifa Xaftar iyo galbeedka oo ay ka taliso dowladdii lagu soo dhisay heshiiskii Qaramada Midoobay. Toban sanadood ka hor markii uu reer galbeedka iskaga tageen Liibiya, waxaa faraha la galay Imaaraadka, Masar, Fransiiska, iyo Ruushka oo taageera Janan Xaaftar iyo Turkiga oo taageera dowladda Fayez al-Sarraaj.

Si kastaba ha ahaate, Talyaaniga waxuu maciin biday Mareykanka, Qadar iyo Turkiya oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya. Roma waxay Dooxa u bandhigtay baadiggoobka gabadha, taas oo ka dhalatay xiriirka sii kordheya ee difaac iyo dhaqaale ee labada dal. Halkaas ayuuna ka dhashay qorshaha “Roma- Ankara-Doha-Mogadishu” (Africa Express 03/06/2020).

January 13, 2019 Ra’iisul-wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa safar aan horey loo qorsheynin ku tagay Ankara, halkaas oo uu ka helay xogta Silvia Romano. Welwelku waxuu ahaa in la hubiyo inay Silvia Romano nooshahay, si dadweynaha Talyaaniga ah loo siiyo war wanaagsan xilli ay la jahwareersan yihiin Covid-19 (Italian Institute for International Political Studies 26/05/2020).

Hawlgalkan waxaa loo xilsaaray dhinaca Talyaaniga Jenan Luciano Carta oo ka tirsan AISE (Hay’adda Wardoonka iyo Amniga Dibadda ee Talyaaniga), iyadoo uu la kaashanayo sirdoonka Turkiga MIT iyo kuwa Soomaalida NISA (Africa Diplomatic 09/05/2020).

Deyrtii 2019 waxii ka dambeyay Roma si lama filaan ah ayey u beddeshay siyaasaddii gobolka: (1) Waxay xiriir laba geesood ah la yeelatay Ankara, xilli Turkiga ay dhibaato ka haysatay xiriirka reer galbeedka; iyo (2) Waxay ka baaqatay shirkii Qaahira ee lagu saxiixi lahaa heshiiskii dhuumaha gaaska badda Mediterranean ee Talyaanigu qayb ka ahaa; balse ay ku bahoobeen Cyprus, Greece, Egypt, Israel, Jordan, iyo Palestinian Authority, iyadoo laga qadiyay Turkiga (Bloomberg Bussinessweek 10/12/2019).

Isbeddelkaas waxuu dabcan fashiliyey ololihii Imaaraadka ee lidka ku ahaa Turkiga, ujeeddadiisuna ahayd in laga horistaago inuu saameyn ku yeeslasho Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe. Sidoo kale, waxuu dib u soo celiyey rajadii mashruuca dhuumaha shidaalka Ruusha iyo Turkiya. Intaas waxaa dheer in Talyaaniga uu cunaqabateynta hubka Liibiya ee ilaalinta badda uu ku daray kan xudduudda dhulka ee Masar iyo Liibiya.

Afduubkii gabadha waxuu foodda la galay  jar caalami ah. December 28, 2019 waxaa lagu xasuuqay isgooska Ex-Kontarool Afgooye Soomaali u badnaa arday jamacadeed iyo labo injineer oo Turki ah oo ka hawlagalayay dhismaha jidka Afgooye.  Al Shabaab waxay ku dhiciwaayeen inay sheegataan masuuliyadda xasuuqa muddo laba maalmood ah. NISA waxay farta ku fiiqday dal shisheeye, balse warbaahinta Turkiga ayaa soo bandhigtay in Dawladda Imaaraadku ay ku lug lahayd.

December 23, 2019 ayaa madaxa howlaha gaarka ah ee boliiska Turkiya Muqdisho ku yimid safar aan horey loo qorsheyn. Sida ay warbaahinta sheegtay Selami Turker waxuu la kulmay saraakiil Soomaaliyeed (Anadolu Agency 23/12/2019). Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ka faa’iidaysatay tababbarrada boliiska Turkiga.

January 23, 2020 ayaa Ra’iisul-wasaare Giuseppe Conte loo xogwarramay kaddibna uu fasaxay dhammeystirka hawlgalka badbaadinta Silvia Romano. Gabadhu waxay afduubneed muddo dhan 18 bilood. Si Soomaaliya loo geeyo waxay qaadatay afar toddobaad oo hadba meel cusub loo rarayay, iyadoo inta badan la soconayay.

Sida sirdoonnda ay leeyihiin nimanka afduubay Silvia Romano waxay ahaayeen xagjir la leh xiriir Al Shabaab oo ay ugu dambayntii ay ku wareejiyeen. Waxaa soo baxday in afduubayaasha la siiyay lacag madaxfurasha ah.

Sirdoonka Kenya oo caano qubtay oo ay dabaqaban waayeen ka daba ooynaya ayaa adeegsaday wargeysyada dalkooda kuwaas oo  dowladda Soomaaliya ku eedeyeen inay gacan daahsoon kula shaqeyso kooxda Al Shabaab (Standard 17/04/2020).

May 9, 2020 ayaa gabadha lagu siiddaayay agagaarka magaalada Afgooye, iyadoo sirdoonku uu u dhiibay mas’uuliyiinta Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho.

Siiddeynta gabadha waxaa suurtaggeliyay iskaashi-shaqo, waxayna Soomaaliya ku kasbatay guusha hawlgalkaas magac iyo saaxiib lumay (Dawladda Talyaniga). In mudda ah Roma iyo dalal kale oo reer galbeed ah waxay iska indhatirayeen la dagaallanka xagtirta. Maanta waxaa muuqata in Talyaaniga uu ku soo biiray ololaha la dagaallanka xagjirta, iyadoo rajadu tahay inay gacan ka geysan doonto dibudhiska hay’adaha amniga iyo waxbarashadda dalka.

Cabdulqadir Cariif Qaasim

Related posts

Milatariga Soomaaliya oo howlgal qorsheysan sameeyay iyo taliyaha ciidanka oo ka hadlay

Cabdi Cade

Mareykanka oo shaaciyay cida bixisay amarkii lagu dilay weriye Jamal Khaashuqji

Cabdi Cade

Dowlada Itoobiya oo Cafis u fidisay Maxaabiis badan oo u xirneyd

Cabdi Cade
Taboola Ads ---