Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir taageerada dowlada federaalka owgeed maanta isku casilay !!

Wasiir kuxigeenka Amniga Dowlad Goboleedka Hir-Shabelele Xildhiban Geelle Isaaq Warsame oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Baladweyne ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii Wasiirnimo uu ka hayay Hirshabelle.

Geelle Isaaq ayaa sheegay in sababta uu isku casilay qeyb ka tahay cadaadis maamulka Hirshabelle ku hayo shacabka kunool magaalada Baladweyne uu sheegay in laga hor istaagay banaan bax uu qeyb ka ahaa oo lagu ku taageeri lahaa Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare xili la joogo gabo gabada mudo xileedkiisa uu kasoo horjeestay dowlada federaalka sidoo kale is hortaag ku sameeyay in bulshadu taageerto madaxda Qaranka.

Xildhiban Geelle Isaaq Warsame ayaa sheegay in booliiska magaalada Baladweyne xabsiga dhigeen masuul hore iyo Wariye duubayay banaan bax ka socday magaalada Baladweyne, waxa uuna dowlada ugu baaqay in il gaar ah ku heyso waxa ka socda Baladweyne.

Maamulka Hirshabelle oo kamid ahaa maamulada dowlada sida weyn ugu dhawaa ayaa waji cusub lasoo baxay, waxaana Madaxweyne Waare amray in magaalada baladweyne lagu qaban karin banaan bax lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir Xasaasi ah oo looga hadlay Daadajinta Amniga Caasimadda oo Muqdisho ka dhacay ( Sawirro)

Cabdi Cade

Xukuumadda Xamse Barre oo xaalku ku xumaanayo iyo abaabul socda

Cabdi Cade

Faahfaahino ka soo baxaya dab xoogan oo xalay ka kacay Magaalada Gaalkacyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---