Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Booliska Puntland oo talaabo ka qaaday Saraakiil si xun ula dhaqmay gabdho dhallinyaro ah

Taliyaha Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa shaqo joojin ku sameeyey Taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Karkaar Jaamac Cismaan Axmed Dhalac iyo Taliyaha saldhiga bartamaha Qardho Cumar Hiirad Kaatun, kuwaasoo lagu eedeeyey xadgudub dadweyne iyo ku takri fal awoodeed.

Labada sarkaal ee xilka laga qaaday ayaa ku kacay fal si weyn loo cambaareeyey oo Qardho ka dhacay todobaadkan kaddib markii ay bahdileen muuqaalna ka duubeen dhallinyaro ku cawayneysey duleedka magaalada, iyagoo ka been abuurtay kuna tilmaamay iney ku kaceen falal anshax xumo ah oo ka dhan ah shareecada Islaamka.

Saraakiishan la xiray ayaa sheegay in dhalinyarada ku caweyneysay duleedka Qardho oo u badnaa hablo ay isticmaalayeen waxyaabaha maanka dooriya, ayna sameynayeen galmo sharci daro ah hase ahaatee baaritaan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in eedeeymahaas ay yihin kuwo been abuur ah, dhalinyaradana ay ahaayeen kuwo iska caweynayey.

Taliye Cabdi ayaa sheegay in Booliska Puntland uu qaaday labo tallaabo oo kala ah baaritaan lagu sameeeyey kiiskan 8-dii bishan ka dhacay Qardho iyo shaqo joojin lagu sameeyey labadii sarkaal ee ku lug lahaa.

Waxaa uu cudur-daar ka bixiyey falkaas isagoo tilmaamay inuu ku dhacay aqoon xumo iyo sharci darro, isagoo xusay iney meel kaga dhaceen sumcadda iyo magaca Booliska.

Taliyaha ayaa tilmaamay in in marka baaritaanku dhamaado aan saraakiishan looga hari doonin xil ka qaadis balse laga qaadi doono talaabo sharciga Booliska waafaqsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qeybtii ugu horeysay Muhaajiriinta laga soo celinayo UK oo la geynayo Rwanda

Caydiid Ali

Diyaaradaha Isreal oo duqeymo culus ka geesay Syria kaddib weerar lagu qaaday

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo loogu baaqay in ay cadeyso Mowqifkeeda ku aadan Dowlada Qadar oo lagu… 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---