Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maaxweyne Qoor-qoor & C/wali Gaas oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Gaalkacyo (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Madaxtooyada koonfurta magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa iska xog wareystay xaaladaha guud ee dalka iyo tan gobolkaba.

Sidoo kale labada masuul ayaa isla soo qaaday sidii loo xoojin lahaa amaanka magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug oo ay ka jiraan maamulo labada dhinac kala hoostaga.

C/wali Gaas ayaa ku amaanay Madaxweyne Qoor-qoor dedaalka uu u galay sidii loo heli lahaa Galmudug mideysan iyo guusha siyaasadeed ee uu ku talaabsaday mudadii koobneyd ee uu xilka hayey.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa halkaas ka wada kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo masuuliyiinta, siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada ee magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Barnaamij Muran badan dhaliyey oo laga joojiyey telefishinka dalka Iran

Caydiid Ali

Milateriga Ruushka oo ka baxay Warshaddii hore ee Nuclearka Chernobyl (Sababta)

Caydiid Ali

Cabdullaahi Abyan Nuur iyo Xubno la socda oo u ambo baxay magaalada Kismaayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---