Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Sabriye & Xaliimo Yarey oo sheegay in wax laga bedelay Sharciga Axsaabta Siyaasadda

Kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ayaa maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeisa.

Ajandaha kulanka ayaa ku saabsanaa wax-ka-beddelka iyo Kabista Sharciga Axsaabta Siyaadda dalka .

Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey , sidoo kale waxaa goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Waxaa ka soo qeyb galay wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo yarey).

Wasiirka arimaha guddaha iyo guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa goddoonka golaha shacabka iyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga uga warbixiyay wax ka badel ay si wadajir ah ugu sameeyeen Sharciga Axsaabta Siyaadda.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa uga mahadceliyay wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo ismaaciil Ibraahim (Xaliimo yareey) sida wanaagsan oo ay uga wada shaqeeyeen wax-ka-beddelka iyo Kabista sharciga Axsaabta Siyaasadda dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabsi xooggan oo lasoo daristay Madaxweyne Putin iyo Aqalkiisa oo laga dareemay

Cabdi Cade

(Sawirro) Goob ay ku shirayeen Madaxweyne & Raisul Wasaare caan ah oo la duqeeyey

Caydiid Ali

Sargaal ciidan oo lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasayo iyo qoyskiisa oo diyo qaatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---