Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Dowlad goboleed dib u furaya goobihii Waxbarashada ee loo xiray COVID-19

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (lafta-gareen) oo ku sugan Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa ka hadlay caqabadaha waxbarasho ee xiligan ka jira deegaanadaasi.

Laftagareen ayaa intaas ku daray sida ay lagama maarmaanka u tahay in xal loo helo habsami u socodka adeegyada waxbarasho ee loo fidiyo ardayda

Madaxweynaha  ayaa sheegay in Bisha July ee soo socota dib loo furi doono dugsiyada ku yaalla deegaanada Koonfur Galbeed, kuwaasoo loo xiray sababo la xiriira cudurka COVID-19.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed waxa uu xusay in degmada Xudur ay aad uga liidato heerka waxbarasho, sidaa daraadeedna  loo baahan yahay in la tayeeyo adeegyada dhanka waxbarashada ah.

Hadalka Madaxweyne Laftagareen ayaa ku soo beegmaya xili qeybo ka mid ah dalka oo  degaanada Koonfur galbeed uu ku jiro laga soo sheegayo maalin kasta kiisas cusub oo la xiriira COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Sheffield iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Taliska Milatariga oo ka hadlay hub la sheegay in lagala baxay Wasaaradda Gaashaandhigga

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo tallaabo ka qaadaya Saraakiil ceeb weyn usoo jiiday Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---