Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Difaaca Somalia iyo Duqa Muqdisho oo maanta tagay xerada TurkSom (Sawirro)

Wasiirka Difaaca Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) uu wehliyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta ciidamada Turkiga ee kutaala Duleedka Muqdisho.

Xarunta ciidamada ee TrukSom waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka difaacada Soomaaliya iyo Duqa Muqdisho, safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya iyo saraakiisha tababarka ee xeradaasi.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dowlada turkiga garab istaaga ay u sameesay ciidanka qalabka sida ee Soonaaliya, waxa uuna xusay Wasiirka in xerada ay maanta tageen lagu tababaray ciidamo badan oo katirsan milatariga Soomaaliya .

Dowlada Turkiga ayaa Muqdisho ka furatay xero weyn oo milatari oo lagu tababarao ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana xeradan lagu tababaray ciidamo gaar ah ay kamid yihiin kuwa gor Gor iyo haramcad oo katirsan milatariga iyo booliiska.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad loo xir xiray dil xalay loo geestay Cabdikaafi Cabdixamiid Warsame

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo dhambaal ka gudoomay Gen. Ibrahim Jaabir & wafdi uu horkacayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Dagaalo & duqeymo khasaare sababay oo ka dhacay Laascaanood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---